rag iyo dumarbaanu nahee
hadaynu daryeelba hayn
miyay daawaba jirtaa
maxa naga galay danyare
hadaan duunyaba lahayn
miyay dadka naga xigaan

daahbaa aqal laga furaa
ma diracay iibsataa
daraad sheekadii ahayd
siday dusha ugu sitaan
ma neefbaa u dabraday

dardaaran haduu ka raboo jacayl
doqon uu hayaa
candhuuftaada dib u liqoo
ku diidaye soco ku dhaha

ka daa hadalkaa dibnaha
dabuubtaasi way xuntahoo
intaba waa diidanyahee

markuu darajada lahaaye
waraaq daafaha ku sidaye
waa kii dalandalinayee

diirka la isaga naxaa
ma jiir dabin soo gala
sagaal gabar iyo ninkeed
sideed dabka uga shidaan
ma diintaydaan aqoon

dadraaliyeen hadaad tihiin
dhag xumo waa laga durkaa
halka layskuma diree
u sii daaya wuu qabaa

Exit mobile version