waan Ku Haybinayoo
hurdo Kaama Ladoo
huqdaadaa I Dishee Haa Haa..

jacayl Waa Halisiyo
hawl Aduunka Jirtoo
hebelaa U Dhintee Ahaa Haa..

waa Lay Heloo
waaba Lay Hayaa
sida Hadub Magoogaan
kugu Soo Hirtaayee

nin Haraad Qaba Oo
hogol Roob Arkayoo
hangadaan Ahee Ahaa Haa..

hoobaantaa Lulataan
soo Haahaabanayee
hanqalkaan La Kacee Ahaa Haa..

waa Lay Heloo
waaba Lay Hayaa
sida Halafku Reemaa
kaliday Hugmaayaa

hadh Cad Baan Lumayoo
ka Habaabay Rugtoo
lay Haybinayee Haa Haa..

hilaacbaa I Baxoo
waxuun Baa Ila Hadloo
i Hogaaminayee Haa Haa..

waa Lay Heloo
waaba Lay Hayaa
sida Hadub Magoogaan
kugu Soo Hirtaayee

nin Halbawluhu
dhiig Habayaan Ahayoo
wadnuhu Hawda Hayee Haa Haa..

hayin Gaabinayaan
hod Caleenliyo Doog
rayaankii Ku Raree Haa Haa..

waa Lay Heloo
waaba Lay Hayaa
sida Halafku Reemaa
kaliday Hugmaayaa

Exit mobile version