VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Xasna - Lyrics

sida curad xalaaloo duco lagu xambaaroo marwo dumar xidhoodkiyo xafidsiisay edabtoo xumaan laga ilaalshoo xikmad iyo aqoonba leh xushmadeeda kaliyaa nafta xiiso galisoo cishqikugu xasilisee xag kastoo ka eegtaba xasna aragtideedii kama xiiso dhacayaa ma xulkii hablaha iyo ma xulkii hablaha rer jabuuta sida xuural cayntii culimadu xadiiseen suniyaal xariiriyo dhabanada xabubka dibnaha xara la moodiyo dhoolaha xareedaa tima dhabarka xaabiyo xubno toosan iyo laaffyaha xaragada le xag kastood ka eegtaba xasna aragtideedii kama xiiso dhacayee ma xulkii hablaha iyo ma xulkii hablaha reer jabuutaa
Queue is empty
-- / --