sida curad xalaaloo
duco lagu xambaaroo
marwo dumar xidhoodkiyo
xafidsiisay edabtoo
xumaan laga ilaalshoo
xikmad iyo aqoonba leh
xushmadeeda kaliyaa
nafta xiiso galisoo
cishqikugu xasilisee
xag kastoo ka eegtaba
xasna aragtideedii
kama xiiso dhacayaa
ma xulkii hablaha iyo
ma xulkii hablaha rer jabuuta

sida xuural cayntii
culimadu xadiiseen
suniyaal xariiriyo
dhabanada xabubka
dibnaha xara la moodiyo
dhoolaha xareedaa
tima dhabarka xaabiyo
xubno toosan iyo
laaffyaha xaragada le
xag kastood ka eegtaba
xasna aragtideedii
kama xiiso dhacayee
ma xulkii hablaha iyo
ma xulkii hablaha reer jabuutaa

Exit mobile version