VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Xasuus - Lyrics

Markaa kugu soo baxee Bilicda quruxdaada iyo Bidhaantaada arkaba 2x Bisinka alifkaan qabtaa Ilaahay waxaan baryaa Badbaadiyo caafimaad Bishaariyo nabad galyaba Inaad ku bariisataa 2x Boholyowgaa aan qabo Jacayl igu beeraana Caahsaqu igu baahsanaa Xusuusina igu badnaa 2x Bukaaniyo baan wadaa Bixiya lafaha la isku kabo Bogiyo wadnaha isku yaal Bidixiyo bidixiyo midigbaynu nahee 2x Markaa bari iyo galbeed Badarka baadiyaha iyo Badhtoon maray galan habeen 2x Badiba kulamaan siminee Alalylkiibaan kacaa Bas iyo baasaha kacay Badanka laabtiyo qalbiga Inaad iga baanatee 2x Boholyowgaa aan qabo Jacayl igu beeraana Caahsaqu igu baahsanaa Xusuusina igu badnaa 2x Bukaaniyo baan wadaa Bixiya lafaha la isku kabo Bogiyo wadnaha isku yaal Bidixiyo bidixiyo midigbaynu nahee 2x
Queue is empty
-- / --