dareen laabta yaaloo
hadba dhinac yaacoo
yoolkiisii gushiisiyo
yeedhmo hiigsanaayoo
hanad galay yahuuntii
yaa ku yidhi dad waynoow
yu,ashiyo jjikaarbaa
dar allee yarayn kara
jeeroo aan yaasmiin
u yagleelo hoy wacan
dadka yawyamaaya iyo
kuwa igu yabaalee
yaayuulka shubayiyo
idin yeeli maayeee
illahay ka yaaboo
ceeb yaanay idin raacine
yulqankiinaa iga dhima

horta yaa jacayloow
waxyeelada ku barayoo
kuu wanqalay yaraantii
ka yaabay aniguye
maxaad hadba ruux yuhutaa
wer wer ugu yagleeshaa
yalamsataa jidhkiisoo
u yastaa nin geesiya
jeeroo aan yaasmiin
u yagleelo hoy wacan
dadka yawyamaaya iyo
kuwa igu yabaalee
yaayuulka shubayoow
idin yeeli maayee
illahay ka yaaboo
ceeb yaanay idin raacine
yulqankiina iga dhiima

Exit mobile version