Heesta Hashiis - Lyrics
Hamuun inaad ii qabatid waa hubaal
Anna waa kaa helaa
Hogaan dhaxdeeda aad ku jirtaa
Ma isku kaa halayn karee
Haasaawahaaga hakad iga jiraayee
Haye haddii aan ku iraah
Amaad hamigeega haleesa
oo aan is haleeli waynaa
Haddii aadan ihuraynee
hadda aan ku hishiine hoyga xalaal
Ama aan ka harnee
Nin walboo hortiisa hor alle
Inaad hareerigeeyga timaadidee
aan ku haraad baxaa
Hadal macaan haniyeey
Hurdada waa iga haatiyee
heey heebiskaaga aan hool ka dhigtee
hagar amaad wadaa
Aad hal bacaad ku lis ka dhigtaa hadafkayga
Aaan eber hoorsadaa
Haddii aadan ihuraynee
hadda aan ku hishiine hoyga xalaal
Ama aan ka harnee
Nin walboo hortiisa hor alle