VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Maan Qabojiso mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Abdikhaliq M siraat
Maan Qabojiso

Abdikhaliq:
Muhashadii kalgacalkiyo,
muxubada  jaceeylka, iguma xaneeyso,
markii aan ku eegaba, nafta mahad uu sheegaa.

Midabkalaa qurxoon dumar,
muuqaalka guudkee,
waxaa tahay mulaax iyo musbaax nuur ifaayo,
uu miciin aah aragtidaa.

Marwaa tahay xariir iyo,
maamuusi dhalaa tee,
murayadi qalbiga iyo maan qaboojisa tahay.

Fiska:
Miirkiyo, xiskaygiyoo,
ku maanku raacoo, mowrali waxaa tahay,
gayaan kaan ka miildheer, mowla ii hibaayoo.

Geesi miigan baa too,
maan arag aduunyada,
mid aan kula maseeyoo naqoon kula masaloo,
raga maanta kula simo.

Adaa maqalka dhagaha iyo caqligaba kumaranoo.
murayadi qalbiga iyo, maan qaboojiye aa tahay.

AbdiKhaliq:
Migahaa sharaftiyo, muqaa jahaa,
miisaama bilicdiyoo,
ma dhaafaan haweenbaa, hanaantaad mudantee.

Maansha ee talaabada,
markaad miir dhaqaaqdana,
muu qaneeysee
iishu milicsaneeso maa  ka mabsuudeysaa baa tahee.

Marwaa tahay xariir iyo,
maamuusi dhalaa tee,
murayadi qalbiga iyo maan qaboojisa tahay.

Fiska:
Migaahaa, ciroowliyo sida ma’ay da’aayaa,
maalintiyo habeenkii,
caashaq mow jadaiisiyo, cishqi ii mushaxaa.

Midigtiyo waxaan ahay, bidixdoo mataanee,
maamulkaygi noloshoo, kala maarmimeeyne,
allow mowdi naga hayee.

Adaa maqalka dhagaha iyo caqligaba kumaranoo.
murayadi qalbiga iyo, maan qaboojiye baa tahay.

Lyrics by: Booqade Maalmo

codkii Abdikhaliq M siraat, Farhia Fiska