VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Wacad - Lyrics

markii aan barbaaree qaangaadhka buuxsaday gabadhaan is baranee igu beertay caashaqa inagoon badheedhaha jacaylkii ka bogan wali oo bilic haldhaalay wali baahideed qaba sawtaan baqoolaha beegsaday qurbaha inagoon baajin wacadkii axdigiina beenayn kala baaadiyawnoo baayoo is waynee boqol sano ha gaadhee faadumooy bogaygiyo beerkaad ku taalaa waxaan baadi goobaa oon baytiyabaa beri khayre le baan helay barta ay ku nooshahay ayaankayga telefoon barqadii aan soo diray bu,da iyo ujeedadu baas inaan aburiyo inaan reer burburiyo baaqaygu ma ahayn anagoon baajin wacadkii axdigiina beenayn kala baadiyawno baayo is waynee boqol sano ha gaadhee faadumooy bogaygiyo beerkaad ku taalaa
Queue is empty
-- / --