VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Xabadda - Lyrics

hablaha xuurancaynta hablaha u xishoodka badan quruxdu ku xijaaban tahay hidaha dhaqankeena xidhan waxay u wada tartamoo xidigaha nuurka sida xaqbayna amaan u yeeshe gabdhuhu waa wada xariire xarmiyo gobanimo xamar u daa xishmiyo xilkasnimo xamar u daa xiisaha kalgacal xamar u daa xabada ugu shidan xamar u daa hablaha xuurshada hablaha ugu xaqdhowrka badan ilmaha xilkaskiyo hanaanka xilqaad iyo qaayo badan wadnaha dhabankiyo hankooda xor weeyan wada iftiima xagayga amaan ka mudan gabdhuhu waa wada xariire xarmiyo gobanimo xamar u daa xishmiyo xilkasnimo xamar u daa xiisaha kalgacal xamar u daa xabada ugu shidan xamar u daa
Queue is empty
-- / --