Fadxiyaay aduunyadan
Faaidiyo qasaaraha
Rabigay iskey dhigaayee
Ana faayo quruxeey
Midan foolka saaraba
Isagay u qorontahee

Fariin iga dardaarana
Ooyehee tukaankiyo
Maalka faraha saaro
Foojigo u yeeloo
Foojigo u yeeloo

Ha furfurin jacaylkiyoo
Farxadiyo kalgacalkee
Ha furfurin jacaylkiyoo
Farxadiyo kalgacalkee
Fudud yaan lagugu xaman
Xumo lagugu faalayn
Falanfooli jaaniyo
Ha igu noqonin fiidmeer
Ha igu noqonin fiidmeer
Falanfooli jaaniyo
Ha igu noqonin fiidmeer
Ha igu noqonin fiidmeer

Fiintuba colaadiyo
Fadka soo onkadayee
Wey ka foodhi oydaa

Anigana falaadhaha
Ku farcamay naftaydee
Filsan adiga weeyaan

Fariin iga dardaarana
Ooyehee tukaankiyo
Maalka faraha saaro
Foojigo u yeeloo
Foojigo u yeeloo

Ha furfurin jacaylkiyoo
Farxadiyo kalgacalkee
Ha furfurin jacaylkiyoo
Farxadiyo kalgacalkee
Fudud yaan lagugu xaman
Xumo lagugu faalayn
Falanfooli jaaniyo
Ha igu noqonin fiidmeer
Ha igu noqonin fiidmeer
Falanfooli jaaniyo
Ha igu noqonin fiidmeer
Ha igu noqonin fiidmeer
Ha igu noqonin fiidmeer
Ha igu noqonin fiidmeer
Ha igu noqonin fiidmeer

Exit mobile version