Heesta Ku quuso - Lyrics
Waxaanan ku qaban midiyo
Gudhgooyo ku daashatoo
Qaxiyo iyo qaxar kugu dhacyee
Soomaalay qaladka diid
Shalayto kaan ku rabay
Hadana qurbo joog kuyoo
Intay idin qaybiyaan
Hadana idin kala qoqobin
Hadana idin kala qoqobin
2×
Idin soomaali diinyoo
Qaranimo raadin mooyee
Qorshaha loo guura iyo
Qabiil waxba keeni maayee
Ku quuso ku quuso ku quuso
Ku quuso wixii la soo maray
Ku quuso ku quuso ku quuso
Ku quuso wixii la soo maray
2×
Iyagoo qiil kaaga dhigay
Inay qurux kula rabaan
Waxaan loo soo qulqulin
Qarada fogfog looga iman
Inay qaska kugu wadaan
Qar keerna lagaa rido
Cirkaa kugu hiigsadee
Qoriyo qiiqiisa tuur
Qoriyo qiiqiisa tuur
2×
Idin soomaali diinyoo
Qaranimo raadin mooyee
Qorshaha loo guura iyo
Qabiil waxba keeni maayee
Ku quuso ku quuso ku quuso
Ku quuso wixii la soo maray
Ku quuso ku quuso ku quuso
Ku quuso wixii la soo maray
2×
Ku quuso ku quuso ku quuso
Ku quuso wixii la soo maray
Ku quuso ku quuso ku quuso
Ku quuso wixii la soo maray