VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Caashaqu - Lyrics

anoo casar soo baxoo wadada cagtaan soomariyo dumarku wada ciidayaan ayuu calan iiluloo anigu caashaqii cawee maxaan calwa saadiyo maxaan caawa seexanweeyaan darteed la iicadaadiyaa maxaan curadaan jeclaa intay ciir ciirsadeen maxaa cudud la iigu faanoo naftay aan la cabsadoo allow calaf iiga yeel casiisow ku cuskadee cadaabaha la iiqabiyo culayskana iga yaree anoo caafimaad qaboo nolol caadiya ku jira cidna aan godob ka galin ayaa caloolyowgan baas aniga carli la iiga dhigay maxaan caleen kuu ruxoo maxaan cuud kuu shidoo awgaa la ii cuno qabtoo maxaan cadkii aan lahaa nasiibkaygii celiyey aniga caasi la iiga dhigay allow calaf iiga yeel casiisow ku cuskadee cadaabaha la iiqabiyo culayskana iga yaree
Queue is empty
-- / --