anoo casar soo baxoo
wadada cagtaan soomariyo
dumarku wada ciidayaan
ayuu calan iiluloo
anigu caashaqii cawee
maxaan calwa saadiyo
maxaan caawa seexanweeyaan
darteed la iicadaadiyaa
maxaan curadaan jeclaa
intay ciir ciirsadeen
maxaa cudud la iigu faanoo
naftay aan la cabsadoo
allow calaf iiga yeel
casiisow ku cuskadee
cadaabaha la iiqabiyo
culayskana iga yaree
anoo caafimaad qaboo
nolol caadiya ku jira
cidna aan godob ka galin
ayaa caloolyowgan baas
aniga carli la iiga dhigay
maxaan caleen kuu ruxoo
maxaan cuud kuu shidoo
awgaa la ii cuno qabtoo
maxaan cadkii aan lahaa
nasiibkaygii celiyey
aniga caasi la iiga dhigay
allow calaf iiga yeel
casiisow ku cuskadee
cadaabaha la iiqabiyo
culayskana iga yaree