Banaanadii cadaadiyo
Cosobkii hobyoodaa
Dayaxoo cadaanoo
Cadcayd subax lamoodaa

Yaa kula caweeyo
Ceesh kula wadaago
Cishahadii markii tahay
Ciyaarada la tuma qaar

Canbaaryada jirkaakiyo
Canbaruudka naasaha
Hadii aad igu caawin lahayd
Shamsooy ciil waa idayn lahaa

Canbaaryada jirkaakiyo
Canbaruudka naasaha
ceehdaada oo kale shamsooy
Caadil maba abuurinee

Hadaan kuu cuskado meher
Shamso kuma canaanteen
Cuqdad kuma beereen
Ciil kuguma dhaliyeen
Caay kuuma curiyeen
Ceeb kuuma quureen
Walee kuma canaadeen

Bacaadkii camaariyo
??  cilaaciyo
Daruuruhu cartamayaan
Ceed dahab lamoodyaa

Yaa calaf ka yeeshaa
Hanad aad ucuradaa
Casarkii markay tahay
Cuudka aad ushidataa

Midabkaaga coolka Ah
Ciradkaaga culayga ah
Bishamaha casaanka
Shamasooy dhunkashada
Ku caawiya

Hadaan kuu cuskado meher
Shamso kuma canaanteen
Cuqdad kuma beereen
Ciil kuguma dhaliyeen
Caay kuuma curiyeen
Ceeb kuuma quureen
Walee kuma canaadeen

Exit mobile version