VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Cilmi - Lyrics

duu duubka muruqyada hilbahaa dubaaxda dubka sare ku soo dada dur durada halbawlaha dun dhuk kay wadaagaan dub dubkii ay dhaaftaba waa waxa u duugaan ciida loogu darayaa dibna loogu celiyaa waase ul iyo diirkeed daa imkeenu wacanaa deeq iyo dul badanaa shaydaanku diranaa dibin daabyo badanaa dun jigeena necebaa danbi aadmi jecelaa adoo meelna daadayn doodeena sheekada cunuhu waa durbaanke carabkaa weedha kala tira codkiyo dayaan wado dibnu dibaday geeyaan dhagunaha ka duubaan onkodkaa la daawa ah damac iyo cabsiba wada waana deeq illaahay ku danaysta mooyee miyaa hoosba loo dayay diinteenu siday tidhi dhulku waaba dagi lahaa ama se waaba dumi lahaa buurahoon dul saarnayn jidhna dayma iyo qurux dalab lagu adeegtiyo dawliil ma yeeshaan lafahoon ku daabnayn waxaad cadhada damisaa nafis aad dareentaa markaad diinta baratee dar illaahay ooydee ilmo kaa dareertee dhulna wuxuu daryeelmaa dacaskiyo abaaraha belo lagu dul qaadaa cirku dabacsanaadaa marka deeq raxmaadliyo danbar same u hooraa
Queue is empty
-- / --