VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Darajo - Lyrics

darajada dulqaadkiyo siduu eebe kuu dhigaa daa in kuu abuuraa dumar qiima dheertahay dareenka caashaqu wuxuu kali ahaadaba daruuraha dhexdoodiyo dawis waxaan ku soo maray duni wada dhamaystiran oo aanad daymada indhaha ka dayn karin dadkuna mar iyo laba laba laabta isa saareen jacaylkuna u dheeryahay doogoo caleentii dhirtu ubaxa qarisoo lagu diirsadaad tahay tufaaxdaan jeclaayeey dadku waa mid iyo laba dookhooda caashaqa intay kali ku doorteen hawlyaraan ku soo daga adna maanta gacalooy waadiga aduunyada daafeheeda sariyo dacalkeeda joogee waxaan kaaga digayaa oo iga dar daarana isha doqontu kaa dadan dibnahaaga hadalkiyo ka ilaali deel qaaf dabaylaha rogmanayaa dibin daabyo dacaliyo yaanay dariska kugu dirin
Queue is empty
-- / --