baryo badan daraadaa
ama bil iyo badhkeed
baahidan i haysaa
ku badnayd halbawlaha

barkhadi jacaylkiyo
bushaaradii naftaydaay
badankaygan laabtiyo
wadnahaad badh leeday

haduu kugu bariisaday
ana wuu igu badanyahee
inagoo badhadhe ah
ILAAHAY inoo bari

boholyowga caashaqa
badhtamaha habeenkii
baaxaa dag mooyee
bogan waayay jiifkoo

baro aynu leenahay
bari aynu yagleelnee
baaqaygan soo raac
aan barwaaqo gaadhne

Exit mobile version