VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhabtu jaceylku yala - Lyrics

sida aad dhalaantahay oo aan ku dhalay dadka kaa dhawaystee dhinacyada wadnaha iyo dhuuntuu kalgacalkuna dhanbuu iiiga yaalaa dhabtuu yaalaa dhabtuu jacaylku yaal yaal sida dhiraha midhaha le oo dhibicii dayreed subaxnimo kusoo baxay oo dharabtiyo malabkuba dhulka dacalka saareen aan kuu dhaweeyoo marna aan ku dheehdee adiguna ha dheeraan ILAAH haybadiyo qurux intuu kuu dhameeyaa asaagaa ka dheertee waxa kala dhaqmaatiga ifka dheeman iyo luul dhab u dhaafsan maayee dhabtuu jacaylkuu yaalaa dhabtuu yaal yaal dhexda taako iyo socod ama dhabarka geenyada sida damal dhulka is wadhay timahaagan kala dhacay waa waxa i dhaawacay
Queue is empty
-- / --