VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Qaalli - Lyrics

Sida geed qabow iyo Dhex qotomo xareedoo Sida geed qabow iyo Dhex qotomo xareedoo Qotodiisu dheertahay Qotodiisu dheertahay 2× Intuu qeybshay laamaha Ubax qaayo weyn iyo Intuu qeybshay laamaha Ubax qaayo weyn iyo Midho guudka qariyeen Midho guudka qariyeen 2× Dhulka rays qoyaanloo Casar qabatay qoraxdii Dooguna ku qaybsamay Ayaad qurux u dhigantaa Dooguna ku qaybsamay Ayaad qurux u dhigantaa 2× Laba qod wadaagtoo Wada qaata nololbaan Qalbigayga galiyee Adna adna laabta igu qabo Adna adna laabta igu qabo 2× Sida eebe kuu qoray Qoortaada dheer iyo Qumatiga jidhkaagaan U qushuucay aniguye 2× Qun yar soco talaabada Markaad qaado laafyaha Qun yar soco talaabada Markaad qaado laafyaha Naftaad qiiro galisaa Naftaad qiiro galisaa 2× Qaalidii haweenkaay Waxa dhaaba qayrkii Qaalidii haweenkaay Waxa dhaaba qayrkii Qoyskaad la noqotee Qaadir ha isku keen simo Qoyskaad la noqotee Qaadir ha igu kaa simo Laba qod wadaagtoo Wada qaata nololbaan Qalbigayga galiyee Adna adna laabta igu qabo Adna adna laabta igu qabo 2×
Queue is empty
-- / --