Heesta Qarni - Lyrics
ileen qaanso geed iyo qoontii jaceelkaan marna kaa qaboobin oo qarsan maayo aniguye
raacday way ku raacday qudhani way ku raacday
kaana quusan maayee ila qaybso noloshoo qumanahaan jeclaayow
sida qaalmo geeloo ee ganayso qoodhii qarni joogi maynee cabdi aan qorshayno caashaqa
inuu kibir qaraar yahay qabku aanu fiicneen qolo horana eedoo qoomamay ka gaadheen
ogaaday waan ogaaday qiiro iyo ogaadoo intaad qurux uleedahiyo kula qaatay guurka oo qaalidaan jeclaayay
sida diinka qolof taleh ama qudhacyo waa wayn qarni joogi maynee nasteexoy aan qorshayno caashaqa
qowlka raganimadiyo qiimaynta dhalashaan kugu sii qadariyoo wadnahaad ku qoran tahee
ku doortay wuu ku doortay qalbigu wuu ku doortay kaana quusan maayee ila qaybso noloshoo qumanahaan jeclaayow
sida qaalmo geeloo ee ganayso qoodhii qarni joogi maynee macaan aan qorshayno caashaqa
ubax meel qotoma iyo qalanjadii haween kaay qaabkiyo iyo asluub taad qayrkaaa ku dhaaftay
abaartay waad abaartay halbowlaha dhiiga qaadaad huunoy abaartay intaad qurux uleedahiyo kula qaatay guurkoo qaalidaan jeclaayay
sida diinka qolof taleh ama qudhacyo waa ween qarni joogi maynee darling aan qorshayno caashaqa