Heesta Raga dunida joogi - Lyrics
Dookhii naftaydoow
Dareenkii kalgacalkoow
Dayax ii iftiimoow
Ragga dunida joogiyo
Da'dii ugu filroonoo
Kaan dugaashanayoow
Danta wada jirkeeniyo
Dugsigaan dhisaynaba
Rabigeen ma dumiyee
Kuu daayay taladee
Dusha saar xilkeenoo
Naga daa wax yeelada
Ubaxii dalkeeniyo
Daa uus la modyeey
Dahabiyo xariireey
Sagaliyoo daruuriyoo
Xiddigaha dusheenoo
Daalacaaya nuurkaay
Dadabiyo aroosiyoo
Aqal laba daryaalaa
Aan wada dakeynee
Taan doortay baa tahee
Wax kastaa diyaaree
Kalgacaylka daadihi
Adigaan dulqaadkiyo
Ku doortay garashoo
Geesi daacadaa tahee
Jacaylkeenaan dihiniyoo
Isku duubnideennaa
Waa darajo khayrliyo
Danta wada jirkeeniyo
Dugsigaan dhisaynaba
Rabigeen ma dumiyaba
Kuu daayay taladee
Dusha saar xilkeennoo
Naga daa waxyeelada
Dumar ugu qurxooneey
Dadnimada asluubtaay
Tii loogu deeqaay
Markii aan kudaawado
Naftaa kugu dabcayso
Qalbigaad daweysaa
Dadabiyo arooosiyo
Aqal laba daryaalaa
Aan wada dakeynee
Taan doortay baa tahee
Wax kastaa diyaaree
Kalgacaylka daadihi