VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Xamareey - Lyrics

xoogiyo laf dhabartiyo xididadii midnimada xilka qaranimee mudan tii loo xanbaarshee xaqdarada gumaysigaa taan xeer la dhiganeey xikmadii abwaan hore xaraf wayn ku sheegaay xuduntii dalkaygaay xaruntii dadkaygaay xidig nuurayaad tahee xamareey xamareey xamareey ILAAHAY xumo iyo dhibaatiyo xujo daranba kaa hay xeebta liido quruxiyo xamar biliyo bakaaraha xerta sheekha wayniyo warta nabada loo xidhay xaafadii madiiniyo xalane iyo reer hodan xaawa taako saydhkiyo xariiryaale huruwaa xiiso badane ceelkaa markaan soo xasuustaba xaadaa i jaraysee
Queue is empty
-- / --