labadii is doortee
ku heshiiya dookhee
war haya diradiraalaha
kala dila ma waayaan

ruuxaan daymo dheerayn
dagi kama ogaadee
aqalkii dugsoonaa
adigaa iska dumiyoo
dabaylaha u soo baxay
duulaan colaadeed
daba gali maayee
yaa durbaanka kuu tumay

dal shisheeye ruux jira
dawo ka heli mayside
ha ku daalin kugu yidhi

maxaan dooryo badanoo
dusha kuugu sidayoo
daruuraha ku geeyoon
dan yar kaa ilaaliyay

damacbaa ku qaadaye
aniga maan ku daba maray
lacagbaa ku qaadaye
ani maa ku daba maray

nafsi ruux durduurtaa
danbar maali maayee
dadka daacada iyo
daalinkaba kala garan

dibin daabyadaydiyo
waxa aniga ii diran naa hooy
miyaa adiga kuu dana

Exit mobile version