Heesta Hubqaad - Lyrics
Hawaawiga caashaqiyo
Maxay hawlaha adduun
Naftayda halis gasheen 2x
Maxaan heerba heer ahaadoo
Hammigu igu badnaa
Taladu ay iga hallowday 2x
Haweentii hooy
Hablaha ugu sharaf badneeyd
Aamino waa anigaa helee
Rabboow ha ina kala halleeyn 2x
Maxaan heegooy dartaa
Maxaan hibashada kalgacal
Dartaa u harraadanaa 2x
Himilo weeyaan adduun
Nabsaa ii hiilliyoo
Nasiibkaa ii hagaagee 2x
Haweentii hablaha ugu sharafbadneeyd
Hubqaadiyo qurux lahayd
Aamin waa anigaa helee
Rabboow ha ina kala halleyn 2x