Heesta Jaceylkaan lillaahidaa - Lyrics
jacaylkan lilaahidaa
ha laago ayaan lahaa
ubaxa laamaha ku yaal
ku leexaysaan lahaa
barwaaqadan layliga ah
ayaan waan liqi lahaa
lamaanuhu waxaan lahaa
khiyaal ha u loolamin
hayeeshee lahashadii
liishaanka halkaan ku waday
leebkii anoon la helin
waxaan galay lur iyo hawl
jacaylkan lugooyadu
ka leexi ayaan lahaa
libtiisiibaad heshee
ha laayicinbaan lahaa
lahaanshaha qaaliga ah
laxawso ayaan lahaa
lamaanuhu waxaan lahaa
khiyaal ha u loolamin