Heesta Rumeey - Lyrics
labada ruuxee is jecel
calaf kala reeba iyo
waduunba kala ridoo
lamaanaha kala raree
adoon iga roorinoo
waliba ruuxaya jecel
waayaha ina kala ridee
rajadu waa adi ogow
naftaa kuu riyaaqdayoo
run dumar ku lama simine
raaliyo adi ii noqoo
rumee riyadii kalgacal
ragaad ubaxii ka baxay
sidaa rayskii nanaa
araga waad u roontahoo
indhaha kula raacayaa
rafaaday aawadaayoo
dartaa raamaan u yeeshayoo
wadnuhu waa i rugleeyayoo