Danwadaag

Sida goob dalxiisoo
Durdur biya ku taaloo
Dusha laga ilaalshoo
Aan xoolo daaqinoo
Dhirta dihashadeedii,
Ubixii daf soo yiri
Dabadeed dilaacoo
Dacalada ka joogoo
Diirisay cadceedii
Dhaayaheena deeqdeen.

Daraynkiisa caashaqa
Waydinkaas is doortoo
Damac la isku kiin suray
Daadihiya abdikiin
Hoygaad dugaasheen.

Danwadaag gayaaney
Samma laysku kiin daroo
Xumma laynka daahoo
Guurkiin ha daahoo
Gurigiin ha degoo,
Kuwii kala danbeeyoo
Isku duuban abiddoo
U dulqaata hawlaha
Aduunyadda is dabayaal
Daa’in haynka dhigoo.
.

Exit mobile version