VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Deeqa - Lyrics

Daa’inbaa dhameeyoo Deeqoo waa xariir, Dabcigiyo wanaagiyo Daacadiyo wax qabadkiyo Diintiyo asluubtiyo, Edabtiyo dadnimadiyo Deganaanta socodkiyo Garashada dareenkay Da’deedaba ku dhaaftee. Dooqaygaad hanatoo Dareenkaaga caashaqa Qalbigaa ku doonoo Aan ku daynkaraynee Dalkeenoo barwaaqaa Dadku nabad ku wadda degay, Dayartuna cayaaraha Damaashaadka faraxa leh Suugaan ku daah furiin, Ka dhexmuuqda dumarkoo Daymadaada quruxda leh Markii aan ku daawado Naftaad damaca sii galin.
Queue is empty
-- / --