VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhaygag - Lyrics

Hurda kamaa dhargoo Dhibaatada jaceylbaa Dhinacaan u seexdabaa Hamigayga dhoofinoo Dhaqsi waxay uu gaarsiin Dhayaha u roontii, Markaan dheehdo araggeed Dhaqdhaqaaqi maayoo Naftay dhaygag galisaa, Danabbay dhufanayoo Waan ku dhagagaa dhugashadeedee. Waxaan dhowrayaa Toban saniyo dheeraad Arrin inaan dhamaynoo Farxad aan ku dheelno Illaahay dhalaamo Dhexdeenaa ka beeree Markay tallo dhanaan tahay Inuu dhiigu daatiyo Dhiiliyo colaad tahay Dhamaantood waxgaradkuna Ay ku kala dhaqaaqaan Dhabannadda la haystoo, Raxmaanow dhankaakaa Sare loo dhugtaayoo Wax dheef looba doontaa, Hawlahaan dhikood qabo Adaa ii dhamayn karaa.
Queue is empty
-- / --