indhaha nuurka aragiyo
ilayskii noloshaay
adigaan aduuniyo
ifka kuugu jeclahay
intaan dunida joogee
waanan kuu ogsoonahay
sidaad ii adeecdee
arxankiyo kalgaclkaad
uurka iigu haysee
adigana asluubtiyo
ixtiraamka gobonimo
waa waxaan asaagaa
aadmi kaaga doortee
sideen kugu ilaawaa

egabkiyo anfacadiyyo
eheladii naftayadaay
adigaa amaaniyo
nafta aayahaygii
illaah aan ka sugayee
waana kuu ogsoonahay
sidaad ii asiibtee
anigana amaanniyo
abaal iiga mudantahee
adigana asluubtiyo
ixtiraamka gobonimo
waa waxaan asaagaa
aadmi kaaga doortee
sideen kugu ilaawaa

Exit mobile version