qaxooti yaa donayaa
dalka yaa ka dhoofayaa
dirirta yaa ka cararayaa
dadka ana xambaaraaya
oo duudka saarayaa
halkuu doono gaynaaya
haduu doolar bixinaayoo
degdeg weeyi diyaaradaydu
fiisa lagama dooonaayoo
baasaboor dan ha u galin
ileen dawlad ma lihide
dusduskiyo khiyaamada
anigaa digtoor ku ah
halkaad dunida jeceshay
anigaa dig kugu siiin
hadaad doolar bixinayso
yaa duulayo soconaya
qaxooti yaa doonaaya
dalka yaa ka dhoofaaya
dirirta yaa ka cararaya

yaa duulayo soconaya
qaxooti yaa doonaaya
dalka yaa ka dhoofaaya
dirirta yaa ka cararaya
waa duul shisheeyee
yaa carabta doonaaya
loo diraa sucuudiga
tarxiil yaa diyaar u ah
hadaad damacdo inad dhoofto
digniin baa la socote
qofka duulayoow heedhe
hadhaw muranma doonaayo
haduu line ku kula dago
hadii daadku kula tago
dib hadaad usoo noqoto
dambi anigu kuma lihi
yaa duulayo soconaya
qaxooti yaa doonaaya
dalka yaa ka dhoofaaya
dirirta yaa ka cararaya

Exit mobile version