1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane
Sahraay dhuuxiyo laftii
Sahraay somaali dhaba
Adaa maariin dhalaal
dhamoow midebkaadu yahay
Adaa dhaayaha uroon
dhameel iyo laama
dhabi dhibicdu ey saaran tahayoo
xareedu dhexdooda taal
adaa dhugashada lamida
dhulkaaduna waa Galmudug
Dhabtii waxaa tahay goboo
dhamaan inagaa kujeceel
Waan kuu dhiibay ubax ubax ubax
dhameyska dhexdiisa iyo
kuyaal dhinacyada berdaha
((Beyjka labaad))
Sahraay maasada dhadaa
abaal waxaan kaaga dhigay
waxaan dheel dheel eheyn
inaad dhiigeyga tahay
Taariikhdii ladhaafay iyoo
dhacdiyo magacaan lahaa
adaa diiwaan ku dhigayoo
adaa dhaxal keyga qoray
Somali adaa u dhigay
innaan dhiirane ahaa
Dhabtii waxaa tahay goboo
dhamaan inagaa kujeceel
Waan kuu dhiibay ubax ubax ubax
dhameyska dhexdiisa iyo
kuyaal dhinacyada Berdaha
Lyric written by Ceynteyare