Saba barwaaqa ah
Masuul.com
Soomaalaay dhulkeenaan
Saxadiyo hawadda wacan
Macdantiyo saliida leh
Wabiyaddu sulsulayaan
Beera saba barwaaqa leh
Markay beri samaad tahay,
Baddayada sal iyo baar
Khayraadkuna ku siman yahay
Sina kaga dhamaanayn
Soomaali kaafiyaa
So’da subagga hoolahaa
Saadir noogu deeqee,
Yeynan talada seeginee
Isi siiya maankoo
Sadriga isku fura oo
Gacmaha isi saaroo
Uurka iska saamaxaa
Muxubiyo salaan waddaa (18).
Soomaalaay midnimadiyoo
Danta guud u sara kacaa
Samahiin ka taliyoo
Sumcaddiina dhowroo
Calankiina saartoo
Sacabadda u wadda tumaa.
Somaalaay dhulkeenaan
Wax la siista aan jirin
Bari Hadaad ka soo safrin
Siimarin waqooyiga
Siitagin galbeedoo
Kofur aad u sahantegin,
Soomaali muuqiyo
Suuraynta Quruxdanaa
Aadmiga u sidatoo
Af-quraa la siiyoo
Dhaqan laysku soocaa
Dhexda sidaa u joogtaa,
Somaali waa midee
Aan sammata bixinoo
Dhibaatada ka saarnee
Soomaalaay dhammaantiin
Masuul.com
Dhiiggaas sokeeyaha
Ka sikada collaadaha (18)..

Exit mobile version