tooyooy tooyooyy
damaan boolkiyo
damac gooniya
iska daayoo
dadka la mid noqo
anoo daacada
oo dan goooniya
dood ku galin abid
waa dardaarane
duunyadan hee
haday diideen
dirqi ku cabina
dad waxaa Jira
duul walaala
dan wadaaga
oon is diidayn
aynu doonee
damaan boolkiyo
damac gooniya
iska daayo
dadka la mid noqo

wixii dumay dume
wixii diday dide
wixii dagay dage
waynu daalnaye
bal dalkeeniyo
dad wixi nool
daaman qabashada
aan dadaalnee
nabad doonee
damaan boolkiyo
damac gooniya
iska daayo
dadka la mid noqo

ma duugawdeee
taariikhdii dura
tii daraad ee
maxaan diidnee
dabka loo shiday
duuligii dhacay
dib in loo saxo
daacad uma kicin
ma kudayashiyo
kasii daran baa
loo durbaan tumay
ilaah dambi dhaaf
aan ka doonee
damaan boolkiyo
damac gooniya
iska daayo
dadka la mid noqo

soomaaloo dada
dawlad wyanaa
dumbuq dhacay iyo
dagaal joogsado
daranyada iyo
diifta laga baxo
dalkan googa,ay
dadkan kala tagay
dareen kala tagay
dawada raba
aynu doonee
damaan boolkiyo
damac gooniya
iska daayo
dadka la mid noqo

dadka qaxayee
dalkan baaba,ay
dal shisheeyaha
dibada tagay
kuwaa daranyada
dugsan waayeee
dadaal orodkii
dooonyaha u koray
een dib loo arag
isku duuboo
waa duriyadii
dadka soomaal
kuwaa durintiyo
dgaaguba cunay
damaan boolkiyo
damac gooniya
iska daayo
dadka la mid noqo

Exit mobile version