Warsaneey walaal
Waayadan dartaa
Wacdaraa i helee
Hadaan kuu waramo

Wabi caashaqbaan
Ku dhuraa wadaa
Wabax ooman baan
Ka waraabiyaa

Waaxyaha jirkayga
Wadnahaad ku taal
Naftu wey i raxdoo
Adna wey saad
Na waday kalgacal

Kaalay kaalay
Ii kaalay kaalayee
Kaalay ila wadaag
Wakhtigiyo xiliga
Aan is weheshanoo
Ifka wada jirnee

Warsaneey i raac
Waqal hooray iyo
Weedhaada sidaan
Balag la iigu wariyee

Wajigaaga nuur
La i walwaalayoo
Raxmad la igu waa
Waayaha jiree

Waaxyaha jirkayga
Wadnahaad ku taal
Naftu wey i raxdoo
Adna wey saad
Na waday kalgacal

Kaalay kaalay
Ii kaalay kaalayee
Kaalay ila wadaag
Wakhtigiyo xiliga
Aan is weheshanoo
Ifka wada jirnee

Exit mobile version