Heesta Adigaa i dhalan rogee - Lyrics
Adigaa i dhalan rogay
Dhammaantay naftaydana
Haddaan dhufan karaayoo
Waan kuu dhiibi lahaayee
Jacayl soow ma dhuuntoo
Waa sida dharaartee
Wuu igu dhacayoo
Dhegi jalaqba malahee
Ha igu dhaafin hawlaha
Adigey igu dheliyee
Dhayal baan u qaatee
Wuu igaga dhabeeyoo
Dhabbaduu kufoofuu
Wuu iisoo dheelmadaayoo
Jacayl soow madhuuntoo
Waa sida dharaartii
Wuu igu dhacayoo
Dhegi jalaqba malahee
Ha igu dhaafin hawlaha
Adigey igu dheliyee.....