Heesta Anagana ducada - Lyrics
Haddii qurux la daawado
Dumar qalanjadoodaay
Daacad mudan in la weheshado
Dad ugu macaaneey
Dookha laga helaa tahay
Adna hanad ku deeqoo
Laga wada danbeeyoo
Daawashiyo farax
Tira badan dareemee
Xiisaha ku diirsada
Innagana ducaday
Inuu daraja weeyniyo
Darmaaniyo gabariyo wiil
Wada daadahaysaan
Daa'im idiin baryaynaa
Dadka labada isdoortoo
Danbarsada jacaylkoo
Dugsi laba wadaagoo
Raba ineey degaanoo
Kaddib wada darduurtaan
Yaa damac aroos galay
Intuu kalgacal debaal dego
Lootumo durbaaniyo sacab
Markuu dhaco damaashaad
Sacabkuba hasoo dego
Inagana ducada
Yaa daraja weeyniyo
Darmaan gabariyo wiil
Wada daahdaahaysaan
Daa'im idiin baryaynaa.....