Indheergarad wuxuu amanaa
Gabar ixtiraam Lahoow
Aslub lagu barbarshoo
Aqoontuna ku xeeldheer

Anigna habla kacay
Adan ka argoodoo
Adaa Ka ishaartoo
ishqi igu abuurtay
Agtadey ka shidantahey

Aleylahee Waan hubaa
Ayaaney Dumar midii
igu ifeysaa waliba
naftu aamintay inaad
ii tahay ayaaneey

inanyahey socodka laafyaha
iyo indhahaaga wacan
asalkii gobeedoo kii
aadmigu ku higan jiray

anna waxaan u laabkacay
ilwaad quruxsanaantiyo
dhaqankiyo asluubta lahoo
Ishqi igu abuurtoo
Agtadey ka shidan tahay

By Erayada abwan Abwanka Shanta Qarad

Exit mobile version