indheergarad wuxuu amaana
gabadh ixtiraam lahoo
asluub lagu gardaadshoo
aqoontana ku xeeldheer
anigana hablaha kacay
adaan kaa arkoodoo
adaan ka ishaartoo
cishqi igu abuuroo
agtaaday ka shidan tahay
alleylahe waan hubaa ayaaney
dumar midii igu ifaysay
waliba naftuna aaminaysay
inaad tahay ayaaneey

inanyahay socodka laafyaha
iyo indhahaaga wacan
asalkii gobeedoo
aadmigu ku hiran jiray
ana waan u laab kacay
ilwaad quruxsanaantiyo
dhaqankiyo asluubloo
cishqi igu abuurtoo
agaaday ka shidan tahay
alleylahe waan hubaa ayaaney
dumar midii igu ifaysay
waliba naftuna aaminaysay
inaad tahay ayaaneey

Exit mobile version