haduu hilaac baxo
geeljira haraadani
kama hadho hadiyogoor
halkuu biyaha dhigay
ana hablaha sanadkaa
tan hubqaadka ugu wacan
halka ay ku nooshahay
miyaan hareer maraayaa
hani way i deeqdoo
naftu way la haysaa
wali haybinaayaa

waxaa la yidhi hubsiinadu
hal dambaa la siistaa
ana timo haldhaalay
naftu way la haysaa
horjoogeeda sare iyo
labiskaan ka helayoo
hanaan socodkeeda wacan
naftu way la haysaa
hani way i deeqdoo
naftu way la haysaa
wali haybinaayaa

Exit mobile version