Dad la iskugu jeclaa
Danayste iyo xaasidbaa
Dagaal weeyn kula jiroo
Intaa waxeey doonayaan
Sidii loo kala dilii

Jacaylku wuxuu ku dumoo
Yaan ka dardaarmayaa
Dulqaad weligaa lahoow
Dadkii dad leqay baa la yiri
Ul baa la iskaga dayaaye

Dadab kuwii geli lahaa
Gayaankii is dooran lahaa
Dadbaa ugu dow galoo
Intaa waxeey doonayaan
Sidii loo kala diree

Jacaylku wuxuu ku dumoo
Yaan ka dardaarmayaa
Dulqaad weligaa lahoow
Dadkii dad leqay baa la yiri
Ul baa la iskaga dayaaye…..

Exit mobile version