Dunidaa macaaneee
Markeey ku doontoo
Ku dooratee
Dunidaa macaan
Waa deeqsiyeee

Maleeysku daaaliyo
Markeey ku diidee
Waa loo duloobaa
Dantaada haysee

Debinaa leey dhigee
Daryeeel ma haystee
Daadaa i qaaday dadoow
Doc iga tuureeeee

Dulqaadan waayee
Dugaagta maan
Lasoo darsaaa
Duurka maan galaa
Denbiga qaarkiis
Ma daahireee
In la ii darnaadaa
Dareeeeemayeee

Debinaa leey dhigee
Daryeeel ma haystee
Daadaa i qaaday dadoow
Doc iga tuureeeee

Debinka miyaa doorsamayee
Mise anigaa la igusoo dudeee
Ma duubahaa derinteeydiyee
Deegaanka waa laga deeyriyee

Debinaa leey dhigee
Daryeeel ma haystee
Daadaa i qaaday dadoow
Doc iga tuureeeee….

Exit mobile version