Haddii uu hilaac baxo
Geel Jire haraadani
Kama haro hadiyo goor
halka uu biyaha Dhigey

Ana hablaha Sanadkan
tan Hubqaad ugu wacan
halka ay Ku nooshahay
miyaan Hareer marayaa

hani oo I deeqdoo
naftu ay la haysaan
weli haybinaayaa

waxaa la yiri hubsiinada
hal dhanbaa la siistaa
anna tima haldhaaleey
naftu wey la haysaa

horjoogeeda sare iyo
labiskaan ka helayoo
hanaan socodka wacan
qalbigaan ku habayaa

hani oo I deeqdoo
naftu ay la haysaan
weli haybinaayaa
By Erayada Abwanka Shanta Qarad

Exit mobile version