Heesta Hasha geel - Lyrics
Hasha geel
Hawdka saraay
Hunguriyeeysataay
Wixii hoos yaal
Hammigeed masiisaay
Anigaa habaabay
Anigaa hungoobay
Wax habaaranaa
I heleee
Haad haadkii
Hog ma igu xooree
Hurda heeraan hudaayee
Hadda lee hafiree
Oo habaadka i qaadee
Hoogga anaa usoo hiishoodee
Kaa heeri waayeee
Ka hari weysee
Waa ku haysataa
Hanti maal ninkii heloo
Hanaaneeysan waayee
Ma hubee halaag horkaciisa magaaree
Halna waa ku hodantaa
Anna waa ku hirtaayee
Hadal walaaleed
Ma haboonee
Hoor hoorkaan
Hiil u haysteee
Hawa beeen helaayee
Hada lee hafiree
Oo habaaska i qaadee
Hoogga anaa usoo hiishoodee
Taan haybinaayeeee
Ka hari weeysee
Waa ku haysataa.....