Soomaalaay mansabaddaad wacan
Mira kuma beerataanoo
Haddana macaluul darteed
Adduunkoo magansataa

Waxaan maanka galin
Dad wada dhashoo
Hadda murugiyo colaad
Mashaqo dhexdooda taaal

Dalkeyguna waa mid qura
Dadkiisuna dhowr malyuun
Intuba madaxweyna iyoo
Masuul beey doonayaan

Maanteey weey gaagaxdoo
Murtidii bahal galee
Dantoodii u muujiyoo
Moowloow isku soo hagee

Dunidu weey ku maadsataa
Haddana waxeey moodayaan
Ineey madoow iyo caddaa
Ayagu ugu mudan yihiiin

Qabiil ma maanacaan
Nabad uma muhanayaan
Heshiis lagu meel mariyoo
Milgihii gobanimoo lawaaa

Aqoon kuma meel maraan
Jaraha maamuuska iyo
Marinkii ka habaabiyoo
Midina midi wax uma oggalaa

Maanyeey beey gaagaxdoo
Murtidii bahal galeen
Dantoowdii u muujiyoo
Moowloo isku soo hagee…..

Exit mobile version