Qalbigaygu kaagay
Isku qoranyihiinoo
Is qaboojiyaanoo
Dhiiggay iska qaataan

Qudhayda iyo middaadu
Weey isku qanacsan yihiinoo
Qaybsadaan jacaylkee

Qorshaheennu waa guul
Qisadeennu waa sharaf
Alla nolasheennu waa qani
Aayaheennu waa qayr
Inshllh waa qayr

Qalbigaygu kaageey
Isku qanacsanyihiinoo
Nafta qaybsadaanoo

Isqiimeeynayaanoo
Weey midba mid qaddirayaayoo
Qaybsadaan jacaylkee

Qorshaheennu waa guul
Qisadeennu waa sharaf
Alla nolasheennu waa qani
Aayaheennu waa qayr
Inshllh waa qayr…..
Zaymaan Shaafici Mohamed

Exit mobile version