Marka aad oraahdiyo
Eray qura tiraahdaan
Qalbigii abaarsaday
Uurku oon baxaayoo

Inanyahay haddeey
Ishu baala daymada
Weda aragtidaadaa
Qalbiga ku raadshoo

Marka loo abtiriyee
Quruxdiyo asluubtaba
Intaan ogahay sowdaay
Adeey kugu arooraan

Dayax afartobnaadiyo
Onkadiyo hillaac baxay
Ilma qabato biligyada
Adaa ileeys wax sii dheer

Sida oogta waabari
Kaahiyo iftiin baxay
Mooda arooryo subaxeed
Adaa ka muuq wacan

Marka loo abtiriyee
Quruxdiyo asluubtaba
Intaan ogahay sowdaay
Adeey kugu arooraan

Exit mobile version