Haye socodka dheeriyo
Soomad Kaa ilaashaa
Haye sammee sideetahay
Sadrigaa kaa iraahdaa
Hayee subaxaada toostaba
Farxad kugu salaamaa

Adiguna macaaneey
Jacaylkii siday berii
Iigamuu salguurinee
Saadasha eebahay
Nasiibkaygaan sugayaa

ma ogatahya macaaneey
Haween kulama simayoo
Waad igala sarreysaa
Sagalkii arooryood
Ayaa saacaddii la joogaba
Suuraddaada daawadaa

Adiguna macaaneey
Jacaylkii siday berii
Iigamuu salguurinee
Saadasha eebahay
Nasiibkaygaan sugayaa…..

Exit mobile version