badbaadshuhu waa ILAAH
baxnaanana lagama tago
adigaa boodbood badane
anigu waan ka baydhsanahay

baxsane calankeena mudan
bulshada soomaaliyeed
intay bilic leeyihiin
ayaan kula barbar dhigee

naftana biimaha ha galin
badwaynta ka dhoof ha odhan
bilaan kugu dhaariyee
caruurta bartaa u da'aa

anoo badar kuugu maqan
baahina aanay kuu dhawayn
inaad balbal igu ridaa
ku siii waa kuu bilaash

barbaartaad ii dhasho
adiga boga kaa jeclay
waxaana inoo balana
inaan baylahii ka iman

Exit mobile version